Connect with us

Warka Caalamka

Caruur ku dhimatay weerar ka dhacay Waqooyiga Suuriya – Wararka Maanta: Somali…

Caruur Ku Dhimatay Weerar Ka Dhacay Waqooyiga Suuriya - Wararka Maanta: Somali... - Wararka Maanta

Hal Cunug ayaa lagu dilay weerar ay  qaaday kooxda PKK ee waqooyiga Siiriya, sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga.

Kooxda ayaa sideed madfac iyo gantaalo ku garaacday aaga laanta Howlgalka Olive ee gobolka Afrin ee dalka Suuriya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in sidoo kale hooyada dhashay cunugga iyo qof kale oo rayid ah ay ku dhaawacmeen weerarka.

Tan iyo 2016-kii, Turkiga wuxuu bilaabay seddex hawlgal oo lagula dagaallamay kooxda PKK, kuwaa oo la wiiqayooda dagaal ee  Suuriya. Waxaana  Ururkaan u dagaalama qadiyada gobolka kurdishtaan ee Suuriya.

READ  Myanmar enters the fourth month of the junta with bombs, flash mobs - Wararka Maanta...

In ka badan 35-sano oo ay ku jirtay olole argagixiso oo ka dhan ah Turkiga, PKK  ayaa loo diwaan galiyay urur argagixiso, waxaana wadamad u aqoonsan ka mid ah Turkiga, Mareykanka, iyo EU-da,iyada oo  ay iska hor imaadyada intaasi socday ay galaafteen ugu yaraan 40,000 oo qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Wararka Maanta!

Warka Caalamka

Madaxweynaha Kenya oo la kulmay Ergeyga Qatar Al Qahtani – Wararka Maanta: Somali…

Madaxweynaha Kenya Oo La Kulmay Ergeyga Qatar Al Qahtani - Wararka Maanta: Somali... - Wararka Maanta

Madaxweynaha dalka Kenya  Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi wuxuu ku guddoomay  dhambaal qaas ah oo uga yimid amiirka dowlada Qatar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Farriinta Amiirka waxaa Madaxweynaha Kenya u soo diray Dr Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Qatar ee la-dagaallanka argagixisada iyo dhexdhexaadinta xallinta khilaafaadka.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidoo kale sidii loo soo celin lahaa xiriirka Soomaliya & Kenya oo blihii la soo dhaafay mad madow xoogan uu ka dhex-jiray

READ  Koox hubeysan oo maanta dil ka geysatay magaalada Muqdisho - Caasimada Online

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Doorashada Duqa Magaalada London oo Saaka Loo Dareeray

Doorashada Duqa Magaalada London Oo Saaka Loo Dareeray - Wararka Maanta

LONDON(Wararka Maanta)-Magaalada London waxaa saaka loo dareeray doorashooyinka golaha deegaanka iyo Duqa magaalada, waxaana codbixintaas ka qeybgalaya ugu yaraan lix milyan oo reer London ah.

Ugu yaraan 20 musharrax ayaa u tartamaya Duqa magaalada London, waxaana la filayaa in ku dhawaaqista natiijada doorashadan ay dib ugu dhacdo ilaa maalinta Axadda ah.

Dorashada waxaa ugu cad-cad Sadiq Khan oo shantii sano ee la soo dhaafay ahaa Duqa London, isla markaana raadinaya in dib loo doorto iyo Shaun Bailey oo ka tirsan Xisbiga Tory ee Ra’isul Wasaare Boriso Johanson, waxaana saadaasha horudhaca ah ay sheegeysaa inay dhici karto in wareeg labaad la isla aado, maadaama la filayo in tirada codadka ee labada xisbi isku dhawaan doonto.

READ  Dalalka G7 oo hoggaamiyeyaasha Soomaalida uga digay doorasho hal dhinac ah -...

Sadiq Khan ayaa la doortan sanadkii 2016, isagoo helay 57% tirada guud codadka wareegga labaad, wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Duqa magaaladda London.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Itoobiya oo sheegtay in ay fashilisay Af-gambi ka dhan ahaa Xukuumadda Abiy…

Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Fashilisay Af-Gambi Ka Dhan Ahaa Xukuumadda Abiy... - Wararka Maanta

Saraakiisha Siroonka dowladda Itoobiya ayaa Bayaan ay soo saareen ku tsheegeen in koox isku xiran oo doonaysay in ay dowlad kumeel-gaar ah ku dhawaaqaan ay ka hor tageen.

Sirdoonka waxay sheegeen kooxdan ay kala joogaan Gobolka Amxaarada, Addis Ababa, Yurub ilaa Ameerika; isla markaasna ay ka kooban yihiin Siyaasiyiin, Saraakiil ciidan iyo suxufiyiin.

Waxay intaas ku dareen in kooxdu ay diyaar sadeen Dastuur, warbaahin iyo saraakiil howlgalka fulisa,hayeeshee ay fashiliyeen qorshahoodii ay damacsanaayeen.

READ  Rag hubeysan oo dad rayid ah ku dilay Itoobiya - Wararka Maanta: Somali News...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Qaybaha

Warka Isbuuca