Connect with us

Wararka Somali

Ciidamadii iyo gawaaridii uu lasoo goostay Captan Muumin oo dib loogu celiyey DF -…

Ciidamadii Iyo Gawaaridii Uu Lasoo Goostay Captan Muumin Oo Dib Loogu Celiyey Df -... - Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Sida ay xogta ku heshay Wararka Maanta, waxaa dib loogu celiyey gacanta Dowladda Soomaaliya ciidamo iyo gawaari uu lasoo goostay Taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad Muumin Ciise Maxamuud oo xalay ku biiray ciidamada la magac baxay Badbaado Qaran.

Arrintaan ayaa ku timid wadahadal dhex maray Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ku sugan Degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid ahaa Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Al-Cadaalla.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada la magac baxay Badbaado Qaran iyo xubnaha ka socday Dowladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo ciidamadii iyo gawaaridii uu lasoo goostay Taliye ku-xigeenkii Haramcad Muumin Ciise Maxamuud, taasoo ugu dambeyntii kusoo dhamaatay si guul ah.

READ  R/W Rooble oo ku wajahan dalka Sacuudiga + Ujeedka - Caasimada Online

Taliye ku xigeenkii ciidanka Haramcad Muumin ayaa ku adkeystay inuusan dib ugu laabaneyn gacanta Dowladda Soomaaliya, wuxuuna isaga si rasmi ah ugu biiray ciidamada diidanaa muddo kordhinta ee gacanta ku hayo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidamadii la socday Muumin ayaa cudur daar ka bixiyey tallaabadii ay ku dhaqaaqeen, waxayna sheegeyn inaan lagu war gelin go’aanka soo goosashada islamarkaana ay aheyd wax ku kooban taliye ku xigeenka.

READ  Daawo Xaaji Muuse Suudi: Farmaajo waxaad heyso soo daa hadii kale kursiga ka kac -...

Horay saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya iyo ciidamo ay wataan ayaa ugu biiray ciidanka siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Badbaado Qaran, kuwaas oo aad uga soo hor jeeda mudo kororsigii ay dhawaan sameysteen Farmaajo iyo golaha shacabka ee dib looga noqday.

Waxaa socon waayey qorshihii mudo kororsiga, kadib markii gudaha magaalada Muqdisho ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo si weyn u diidanaa mudo kororsiga.

READ  Daawo: Maxay caawa ka wada-hadleen Rooble iyo Sheekh Shariif? - Caasimada Online

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waxa uu ogolaaday in dib loogu noqdo heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, waxuuna shaaciyey in amniga iyo guud ahaan arrimaha doorashada uu ku wareejiyey ra’iisul wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble, balse ciidamadii ka gadooday mudo kororsiga weli waxay difaac uga jiraan gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil ayaa Ku dhintay Balli ku yaalla Duleedka Koonfureed…

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil Ayaa Ku Dhintay Balli Ku Yaalla Duleedka Koonfureed... - Wararka Maanta

Hargeysa (Wararka Maanta) –  alle Haw Naxariistee Wiil 23 Jir ah oo lagu magacaabo Cali Carab Aadan ayaa ku Dhintay Balli ku yaalla magaalada Hargeysa duleedka koonfureed ee Masalaha caasimada Hargeysa gaar ahaan balliga lagu magacaabo balliga Xariir.

Ehelada marxuumkaas ayaa ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa 9:09 am ku soo wargeliyay balse waxay ciidanka u soo sheegeen wakhti dambe waxaanay soo dalbadeen in Maydka laga soo saaro Balliga, kadibna Ciidanku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan isla markaana ku dhib muteen soo saaristiisa.

READ  Afar arrin oo sababay go'aankii uu qaatay Farmaajo - Caasimada Online

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil Ayaa Ku Dhintay Balli Ku Yaalla Duleedka Koonfureed... - Wararka Maanta

Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Hargeysa Balliga ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista.

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastaba shacbiweynaha Somaliland, fariintaas oo ah In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil Ayaa Ku Dhintay Balli Ku Yaalla Duleedka Koonfureed... - Wararka Maanta

Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.

READ  Madaxweyne Deni oo la kulmay wafdi ka socda QM + Sawirro - Caasimada Online

 

Wararka Maanta.com/Hargeisa Office.

 

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Amiirka Qatar oo war kasoo saaray heshiiska uu dhex dhigay Soomaaliya iyo Kenya -…

Amiirka Qatar Oo War Kasoo Saaray Heshiiska Uu Dhex Dhigay Soomaaliya Iyo Kenya -... - Wararka Maanta

Doxa (Wararka Maanta) – Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo go’naa ku dhawaad lixdii bilood ee u dambeysay.

Amiirka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta oo go’aansaday inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii Diplomasi, waana tallaabo wanaagsan oo geesinimo leh, waxaan u rajeenayaa labada dal ee dariska ah, inay amniga iyo xasiloonidoodu waarto, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka.

READ  Maali: Haweeney Umushay Sagaal Caruur ah Oo Mataano ah

Ergeygii ay dowladda Qatar u soo dirtay Soomaaliya, Dr. Mutlaq al-Qahtani, ayaa kulamadii uu la qaatay madaxda Soomaalida kadib, waxa uu maalin ka hor tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Bogga twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa maanta lasoo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka Qatar uu booqday Kenya, uuna la kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo horay uu ugu guul-dareystay urur goboleedka ay ka wada tirsanyihiin ee IGAD, ayaa hadda sida muuqata waxaa ku guuleysatay dowladda Qatar.

READ  Guddoomiye degmo oo 'ka bad-baaday' rasaas ay ku fureen ciidamada militariga -...

15-kii bishii December ee sanadkii hore ee 2020 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay si caro leh u joojisay cilaaqaadkii kala dhaxeysay Kenya, waxaana dhammaan diblomaasiyiintii reer Kenya lagu amray inay Soomaaliya uga baxaan todoba cisho, halka diblomaasiyiintii Soomaaliya ka joogay Nairobi xilligaas lagu war-geliyey in deg deg ugu soo noqdaan dalka.

Labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Kenya wixii intaas ka dambeeyey ma yeelan kulamo fool ka fool ah, markii laga reebo shirkii ay Soomaaliya codsatay ee ka dhacay Jabuuti, kaas oo IGAD ay ku guuleysa weyday inay ku xaliso khilaafkaas.

READ  Xisbiga Waddani oo sheegay in ay dacwad ka gudbinayaan musharixiin Kulmiye ah



Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka oo laga saaray goobihii ay qabsadeen ee…

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamada Badbaado Qaran ayaa billaabay inay ka baxaan qeybo ka mid ah degmooyinka Holwadaag, Hodan, Cabdicasiis iyo Kaaraan, oo ay ku sugnaayeen laba toddobaad kadib markii ay usoo galaan inay ka hortagaan muddo kororsigii sharci-darrada ahee ee baarlamanka uu sameeyey.

Ra’iisiul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa korneeray furista qaar ka mid ah jidadkii u xirnaa ciidankan, taasi oo qeyb ka ah hirgelinta heshiiskii xalka looga gaaray qalalaasihii ka dhacay caasimadda.

Rooble ayaa sheegay in galabta uu si rasmi ah u bilowday qorshaha Ciidamada looga saarayo xaafadaha, dhufeysyadii yaallayna looga qaadayo, gaar ahaan aagaga Mirinaayo, Siigaale illaa Xaafada Barmuuda. Waxa uu intaas ku daray in amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidanka booliska,

Qaadistan ciidankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah xildhibaanada Madasha Badbaado Qaran.

READ  Xog: Saraakiisha ciidamadii diiday muddo kororsiga oo go'aano cusub soo saaray -...

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “Waxaan galabta si wadajir ah uga qaadnay isgoosyada Dabka iyo Mirinaayo difaacyadii Ciidamada Badbaado Qaran waxaanan amniga goobahaas ku wareejinay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.“

Qaadista ciidankan ayaa ku timid heshiis shalay lagu gaaray Muqdisho oo dhigayey in dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

Waxaa sidoo kale heshiiska ku jiray in xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta

READ  Guddoomiye degmo oo 'ka bad-baaday' rasaas ay ku fureen ciidamada militariga -...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Qaybaha

Warka Isbuuca