Connect with us

Warka Caalamka

DR Congo: Imaam Lagu Dhex Dilay Masjid

Dr Congo: Imaam Lagu Dhex Dilay Masjid - Wararka Maanta

KINSHASA(Wararka Maanta)-Sheekh Cali Amiin, oo ahaa imaam caan ka ah bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ayaa lagu dhex toogtay masjidka weyn ee magaalada Beni isaga oo salaad ku tukanaya.

Sheekha ayaa la sheegay in nun hubeysani uu rasaas la dhacay xilli uu tukanayay salaadda Maqrib kaddibna uu baxsaday.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in imaamku uu ahaa wadaad si adag u dhaleeceeya xagjirnimada islaamka ee ka jirta gobolka.

Bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo waxaa si weyn u saameeyay xasillooni daro waxaana halkaasi ka dhaca weerarro kala duwan oo ay masuuliyaddeeda sheegtaan kooxda la baxday Dowladda Islaamka “ISIS”

READ  Amiirka Qatar oo war kasoo saaray heshiiska uu dhex dhigay Soomaaliya iyo Kenya -...

Waxaa sidoo kale jira kooxo badan oo hubeysan kana howlgala bariga Jamhuuriyyada Dimoqraadiga Kongo.

Wararka Maanta!

Warka Caalamka

Madaxweynaha Kenya oo la kulmay Ergeyga Qatar Al Qahtani – Wararka Maanta: Somali…

Madaxweynaha Kenya Oo La Kulmay Ergeyga Qatar Al Qahtani - Wararka Maanta: Somali... - Wararka Maanta

Madaxweynaha dalka Kenya  Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi wuxuu ku guddoomay  dhambaal qaas ah oo uga yimid amiirka dowlada Qatar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Farriinta Amiirka waxaa Madaxweynaha Kenya u soo diray Dr Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Qatar ee la-dagaallanka argagixisada iyo dhexdhexaadinta xallinta khilaafaadka.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidoo kale sidii loo soo celin lahaa xiriirka Soomaliya & Kenya oo blihii la soo dhaafay mad madow xoogan uu ka dhex-jiray

READ  Amiirka Qatar oo war kasoo saaray heshiiska uu dhex dhigay Soomaaliya iyo Kenya -...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Doorashada Duqa Magaalada London oo Saaka Loo Dareeray

Doorashada Duqa Magaalada London Oo Saaka Loo Dareeray - Wararka Maanta

LONDON(Wararka Maanta)-Magaalada London waxaa saaka loo dareeray doorashooyinka golaha deegaanka iyo Duqa magaalada, waxaana codbixintaas ka qeybgalaya ugu yaraan lix milyan oo reer London ah.

Ugu yaraan 20 musharrax ayaa u tartamaya Duqa magaalada London, waxaana la filayaa in ku dhawaaqista natiijada doorashadan ay dib ugu dhacdo ilaa maalinta Axadda ah.

Dorashada waxaa ugu cad-cad Sadiq Khan oo shantii sano ee la soo dhaafay ahaa Duqa London, isla markaana raadinaya in dib loo doorto iyo Shaun Bailey oo ka tirsan Xisbiga Tory ee Ra’isul Wasaare Boriso Johanson, waxaana saadaasha horudhaca ah ay sheegeysaa inay dhici karto in wareeg labaad la isla aado, maadaama la filayo in tirada codadka ee labada xisbi isku dhawaan doonto.

READ  Doorashada Duqa Magaalada London oo Saaka Loo Dareeray

Sadiq Khan ayaa la doortan sanadkii 2016, isagoo helay 57% tirada guud codadka wareegga labaad, wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Duqa magaaladda London.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Itoobiya oo sheegtay in ay fashilisay Af-gambi ka dhan ahaa Xukuumadda Abiy…

Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Fashilisay Af-Gambi Ka Dhan Ahaa Xukuumadda Abiy... - Wararka Maanta

Saraakiisha Siroonka dowladda Itoobiya ayaa Bayaan ay soo saareen ku tsheegeen in koox isku xiran oo doonaysay in ay dowlad kumeel-gaar ah ku dhawaaqaan ay ka hor tageen.

Sirdoonka waxay sheegeen kooxdan ay kala joogaan Gobolka Amxaarada, Addis Ababa, Yurub ilaa Ameerika; isla markaasna ay ka kooban yihiin Siyaasiyiin, Saraakiil ciidan iyo suxufiyiin.

Waxay intaas ku dareen in kooxdu ay diyaar sadeen Dastuur, warbaahin iyo saraakiil howlgalka fulisa,hayeeshee ay fashiliyeen qorshahoodii ay damacsanaayeen.

READ  Sarkaal ka tirsanaa mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka oo Muqdisho lagu dilay -...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Qaybaha

Warka Isbuuca