Connect with us

Wararka Somali

Hargaysa: Xoghayaha Warfaafinta Waddani Oo Dhaliillo U Jeediyay Xukuumadda

Hargaysa: Xoghayaha Warfaafinta Waddani Oo Dhaliillo U Jeediyay Xukuumadda - Wararka Maanta

Hargaysa (Wararka Maanta): Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa eeddo kala duwan u jeediyay wasaarrado iyo haayado dawladeed oo ka tirsan xumuumadda madaxweyne Muuse Biixi.
Eedahaasi oo ay ka mid yihiin wasiirka warfaafinta oo ay sheegeen inuu lunsaday lacago iyo xad-gudubyo ay xukuumadu kula kacday murashaxiin mucaaradka ka tirsan iyo arrimo kale.
Sida uu sheegay xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta xisbigaasi ee Hargaysa.
Xuuto, waxa uu sheegay in xisbi ahaan ay u arkaan in aan dariiq sharci ah loo marin murashaxiinta xisbiyadda mucaaradka laga xidhay.
Tallaabadaasi oo ku tilmaamay mid lagu carqaladaynayo murashaxiinta xisbiyadda mucaaradka ah iyo in lagu xanibo waxyaabo laga soo gudbay.

READ  Daawo Xaaji Muuse Suudi: Farmaajo waxaad heyso soo daa hadii kale kursiga ka kac -...

Xoghayaha Waddani waxa kaloo uu tilmaamay in xisbiga WADDANI uu dacwad ka gudbin doono musharraxiin ka sharraxan xisbiga Kulmiye oo qaarkood ay dawladda Soomaaliya xilal ka soo qabteen iyo kuwo ay sheegeen in aanay buuxin shuruudaha musharraxnimada.
Sidoo kale xoghaye Xuuto, ayaa wasiirka warfaafinta Somaliland ku eedeeyay inuu lunsaday lacag Miisaaniyadii sanadkii hore ee 2020-ka ugu jirtay oo la qorsheeyay in lagu soo iibiyo idaacad qaranku leeyahay.
Maadaama oo ay sanadkii hore fadhiisatay idaacadii waynayd ee Radio Hargaysa, isla markaana ay hadda shaqayso idaacadda FM ta oo keliya.
Waxaanu sheegay in qandaraaskii soo iibinta idaacadaasi oo markii horeba sifo sharci darro ah lagu buxiyay aan ilaa hadda la haynin meel ay ku danbaysay lacagtii lagu soo iibinayay.

READ  Xasan Sheekh: waa in la garab istaagaa Ra'isulwasaare Rooble - Caasimada Online

Hargaysa: Xoghayaha Warfaafinta Waddani Oo Dhaliillo U Jeediyay Xukuumadda - Wararka Maanta
Geesta jale, Maxamuud Cabdi Xuuto, waxa uu ka hadlay maalmo xusas iyo xasuuso ah si gaar ah Somaliland iyo caalamka kaleba.
Kuwaasoo ay ka mid tahay maalinta xoriyadda saxaafadda adduunka oo maanta ku beegan, isagoona saxaafadda somaliland ku hanbalyeeyay xuska 3da May.
Sidoo kale waxa uu sheegay in isla bishan May ku jiraan maalmo Somaliland xasuus iyo qiimo u leh, sida 18-ka bishan May oo ku beegan 30 guurrada ka soo wareegtay markii ay Somaliland gooni isku taageedda iyo sidoo kale 3da isla bishan May oo ku beegan markii uu geeriyooday madaxweynihii hore ee Somaliland Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

READ  Qorshaha DF Soomaaliya ee marka ciidamada Badbaado Qaran laga saaro Muqdisho -...

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Xuuto:

Wararka Maanta.com/Hargeisa Office.

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil ayaa Ku dhintay Balli ku yaalla Duleedka Koonfureed…

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil Ayaa Ku Dhintay Balli Ku Yaalla Duleedka Koonfureed... - Wararka Maanta

Hargeysa (Wararka Maanta) –  alle Haw Naxariistee Wiil 23 Jir ah oo lagu magacaabo Cali Carab Aadan ayaa ku Dhintay Balli ku yaalla magaalada Hargeysa duleedka koonfureed ee Masalaha caasimada Hargeysa gaar ahaan balliga lagu magacaabo balliga Xariir.

Ehelada marxuumkaas ayaa ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa 9:09 am ku soo wargeliyay balse waxay ciidanka u soo sheegeen wakhti dambe waxaanay soo dalbadeen in Maydka laga soo saaro Balliga, kadibna Ciidanku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan isla markaana ku dhib muteen soo saaristiisa.

READ  Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal: Dib U Milicsashada Nolosha Aabbihii Dhidibada U...

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil Ayaa Ku Dhintay Balli Ku Yaalla Duleedka Koonfureed... - Wararka Maanta

Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Hargeysa Balliga ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista.

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastaba shacbiweynaha Somaliland, fariintaas oo ah In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil Ayaa Ku Dhintay Balli Ku Yaalla Duleedka Koonfureed... - Wararka Maanta

Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.

READ  Ciidamadii iyo gawaaridii uu lasoo goostay Captan Muumin oo dib loogu celiyey DF -...

 

Wararka Maanta.com/Hargeisa Office.

 

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Amiirka Qatar oo war kasoo saaray heshiiska uu dhex dhigay Soomaaliya iyo Kenya -…

Amiirka Qatar Oo War Kasoo Saaray Heshiiska Uu Dhex Dhigay Soomaaliya Iyo Kenya -... - Wararka Maanta

Doxa (Wararka Maanta) – Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo go’naa ku dhawaad lixdii bilood ee u dambeysay.

Amiirka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta oo go’aansaday inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii Diplomasi, waana tallaabo wanaagsan oo geesinimo leh, waxaan u rajeenayaa labada dal ee dariska ah, inay amniga iyo xasiloonidoodu waarto, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka.

READ  Deg Deg: MD Farmaajo oo taageero weyn ka helay Ruushka & Cabsida laga qabo in...

Ergeygii ay dowladda Qatar u soo dirtay Soomaaliya, Dr. Mutlaq al-Qahtani, ayaa kulamadii uu la qaatay madaxda Soomaalida kadib, waxa uu maalin ka hor tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Bogga twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa maanta lasoo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka Qatar uu booqday Kenya, uuna la kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo horay uu ugu guul-dareystay urur goboleedka ay ka wada tirsanyihiin ee IGAD, ayaa hadda sida muuqata waxaa ku guuleysatay dowladda Qatar.

READ  Daawo Xaaji Muuse Suudi: Farmaajo waxaad heyso soo daa hadii kale kursiga ka kac -...

15-kii bishii December ee sanadkii hore ee 2020 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay si caro leh u joojisay cilaaqaadkii kala dhaxeysay Kenya, waxaana dhammaan diblomaasiyiintii reer Kenya lagu amray inay Soomaaliya uga baxaan todoba cisho, halka diblomaasiyiintii Soomaaliya ka joogay Nairobi xilligaas lagu war-geliyey in deg deg ugu soo noqdaan dalka.

Labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Kenya wixii intaas ka dambeeyey ma yeelan kulamo fool ka fool ah, markii laga reebo shirkii ay Soomaaliya codsatay ee ka dhacay Jabuuti, kaas oo IGAD ay ku guuleysa weyday inay ku xaliso khilaafkaas.

READ  Cabdiweli Gaas oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Farmaajo - Wararka Maanta



Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka oo laga saaray goobihii ay qabsadeen ee…

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamada Badbaado Qaran ayaa billaabay inay ka baxaan qeybo ka mid ah degmooyinka Holwadaag, Hodan, Cabdicasiis iyo Kaaraan, oo ay ku sugnaayeen laba toddobaad kadib markii ay usoo galaan inay ka hortagaan muddo kororsigii sharci-darrada ahee ee baarlamanka uu sameeyey.

Ra’iisiul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa korneeray furista qaar ka mid ah jidadkii u xirnaa ciidankan, taasi oo qeyb ka ah hirgelinta heshiiskii xalka looga gaaray qalalaasihii ka dhacay caasimadda.

Rooble ayaa sheegay in galabta uu si rasmi ah u bilowday qorshaha Ciidamada looga saarayo xaafadaha, dhufeysyadii yaallayna looga qaadayo, gaar ahaan aagaga Mirinaayo, Siigaale illaa Xaafada Barmuuda. Waxa uu intaas ku daray in amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidanka booliska,

Qaadistan ciidankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah xildhibaanada Madasha Badbaado Qaran.

READ  Somaliland oo musharixiin mucaarad ah ku eedaysay in ay xidhiidh la leeyihiin...

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “Waxaan galabta si wadajir ah uga qaadnay isgoosyada Dabka iyo Mirinaayo difaacyadii Ciidamada Badbaado Qaran waxaanan amniga goobahaas ku wareejinay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.“

Qaadista ciidankan ayaa ku timid heshiis shalay lagu gaaray Muqdisho oo dhigayey in dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

Waxaa sidoo kale heshiiska ku jiray in xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta

READ  Xasan Sheekh: waa in la garab istaagaa Ra'isulwasaare Rooble - Caasimada Online

Wararka Maanta!

Continue Reading

Qaybaha

Warka Isbuuca