Connect with us

Warka Caalamka

Madaxweynaha Ghana oo Diiday in Mushaarka loo Kordhiyo

Madaxweynaha Ghana Oo Diiday In Mushaarka Loo Kordhiyo - Wararka Maanta

ACCRA(Wararka Maanta)-Madaxweynaha dalka Ghana Nana Akufo-Addo ayaa sheegay in uu hakiyay qorshihii sanadkan 2021-ka loogu kordhin lahaa mushaarkiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan kororsan doonin mushaarka sanadkan sababo la xariira dhaqaale yari dalkaasi uu ka dhaxlay xanuunka Covid-19.

Waxa uu sidoo kale sheegay in sanadkan aan la kordhin doonin mushaarka madaxweyne ku xigeenka, wasiirrada, wasiir ku xigeennada iyo howlwadeennada sarsare ee golaha fulinta.

Tallaabadan ayuu madaxweynuhu ku tilmaamay mid ay kaga dareen celinayaan dhaqaale burburka dalkaasi la soo gudboonaaday intii uu socday xanuunka Korona iyo waliba sidii ay dowladdu gacan uga geysan lahayd dib usoo kabashada waaxda maaliyadda Ghana.

READ  Xog: DF oo mushaarka ka jareysa ciidamadii iyo saraakiishii diiday muddo kororsiga...

Arrintan oo si weyn u soo jiidatay shacabka Ghana ayuu madaxweynuhu ku soo beegay iyada oo dhawaan dalkaas iyo dunida oo idilba ay u dabbaal-degtay Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

Ugu dambeyn waxa uu boorriyay madaxweynuhu in dadka reer Ghana ay maanka ku hayaan in Ghana ay dadaal ugu jirto sidii ay uga dhex muuqan lahayd dhaqaalaha Afrika.

Wararka Maanta!

Warka Caalamka

Madaxweynaha Kenya oo la kulmay Ergeyga Qatar Al Qahtani – Wararka Maanta: Somali…

Madaxweynaha Kenya Oo La Kulmay Ergeyga Qatar Al Qahtani - Wararka Maanta: Somali... - Wararka Maanta

Madaxweynaha dalka Kenya  Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi wuxuu ku guddoomay  dhambaal qaas ah oo uga yimid amiirka dowlada Qatar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Farriinta Amiirka waxaa Madaxweynaha Kenya u soo diray Dr Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Qatar ee la-dagaallanka argagixisada iyo dhexdhexaadinta xallinta khilaafaadka.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidoo kale sidii loo soo celin lahaa xiriirka Soomaliya & Kenya oo blihii la soo dhaafay mad madow xoogan uu ka dhex-jiray

READ  Wararkii ugu Danbeeyey Ururkii TPLF ee Tigrayga oo Lagu Daray Liiska Argagixisada

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Doorashada Duqa Magaalada London oo Saaka Loo Dareeray

Doorashada Duqa Magaalada London Oo Saaka Loo Dareeray - Wararka Maanta

LONDON(Wararka Maanta)-Magaalada London waxaa saaka loo dareeray doorashooyinka golaha deegaanka iyo Duqa magaalada, waxaana codbixintaas ka qeybgalaya ugu yaraan lix milyan oo reer London ah.

Ugu yaraan 20 musharrax ayaa u tartamaya Duqa magaalada London, waxaana la filayaa in ku dhawaaqista natiijada doorashadan ay dib ugu dhacdo ilaa maalinta Axadda ah.

Dorashada waxaa ugu cad-cad Sadiq Khan oo shantii sano ee la soo dhaafay ahaa Duqa London, isla markaana raadinaya in dib loo doorto iyo Shaun Bailey oo ka tirsan Xisbiga Tory ee Ra’isul Wasaare Boriso Johanson, waxaana saadaasha horudhaca ah ay sheegeysaa inay dhici karto in wareeg labaad la isla aado, maadaama la filayo in tirada codadka ee labada xisbi isku dhawaan doonto.

READ  Hindiya: Tirada Dadka u Geeriyoonaya Covid-19 oo Sii Badanaysa

Sadiq Khan ayaa la doortan sanadkii 2016, isagoo helay 57% tirada guud codadka wareegga labaad, wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Duqa magaaladda London.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Itoobiya oo sheegtay in ay fashilisay Af-gambi ka dhan ahaa Xukuumadda Abiy…

Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Fashilisay Af-Gambi Ka Dhan Ahaa Xukuumadda Abiy... - Wararka Maanta

Saraakiisha Siroonka dowladda Itoobiya ayaa Bayaan ay soo saareen ku tsheegeen in koox isku xiran oo doonaysay in ay dowlad kumeel-gaar ah ku dhawaaqaan ay ka hor tageen.

Sirdoonka waxay sheegeen kooxdan ay kala joogaan Gobolka Amxaarada, Addis Ababa, Yurub ilaa Ameerika; isla markaasna ay ka kooban yihiin Siyaasiyiin, Saraakiil ciidan iyo suxufiyiin.

Waxay intaas ku dareen in kooxdu ay diyaar sadeen Dastuur, warbaahin iyo saraakiil howlgalka fulisa,hayeeshee ay fashiliyeen qorshahoodii ay damacsanaayeen.

READ  Nin Tuugsi Ku Helay 17 Milyan oo Riyaal & Sirta Kadanbaysa | Xulashada Dunida

Wararka Maanta!

Continue Reading

Qaybaha

Warka Isbuuca