Connect with us

Warka Caalamka

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ku baaqay in dib loogu laabto wada-hadallada -…

Mareykanka Iyo Midowga Yurub Oo Ku Baaqay In Dib Loogu Laabto Wada-Hadallada -... - Wararka Maanta


Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa ammaantay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle inay kasoo horjeesteen muddo kororsiga, ayna ku taageerene heshiiskii 17-kii September.

Fariin lagu qoray barta twitter-ka ee safaaradda Maraykanka ayaa loogu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu aqbalo jidka cad ee wada-hadalka iyo nabadda, sida lagu sheegay farriintaas.

Dhinaca kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa isna farriin uu ku qoray bartiisa twitter-ka waxa uu ku ammaanay dhiirranaanta ay muujiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Maamullada ee ku saabsna in doorasho wadar oggol ah ay waddanka ka dhacdo.

READ  Dalalka G7 oo hoggaamiyeyaasha Soomaalida uga digay doorasho hal dhinac ah -...

Berlanga ayaa sheegay in gacan ka hadal aysan meel uga bannaanayn Soomaaliya, jidka keliya ee bannaana uu yahay wadahadal.

Maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka.

Previous articleFarmaajo oo ku dhawaaqay in uu Golaha Shacabka ku celinayo Arrinta Doorashada

Wararka Maanta!

Warka Caalamka

Madaxweynaha Kenya oo la kulmay Ergeyga Qatar Al Qahtani – Wararka Maanta: Somali…

Madaxweynaha Kenya Oo La Kulmay Ergeyga Qatar Al Qahtani - Wararka Maanta: Somali... - Wararka Maanta

Madaxweynaha dalka Kenya  Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi wuxuu ku guddoomay  dhambaal qaas ah oo uga yimid amiirka dowlada Qatar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Farriinta Amiirka waxaa Madaxweynaha Kenya u soo diray Dr Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Qatar ee la-dagaallanka argagixisada iyo dhexdhexaadinta xallinta khilaafaadka.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidoo kale sidii loo soo celin lahaa xiriirka Soomaliya & Kenya oo blihii la soo dhaafay mad madow xoogan uu ka dhex-jiray

READ  Xarumaha hay'ad dhaqaale siisay Al-Shabaab iyo Xamas oo la weeraray iyo xayiraad...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Doorashada Duqa Magaalada London oo Saaka Loo Dareeray

Doorashada Duqa Magaalada London Oo Saaka Loo Dareeray - Wararka Maanta

LONDON(Wararka Maanta)-Magaalada London waxaa saaka loo dareeray doorashooyinka golaha deegaanka iyo Duqa magaalada, waxaana codbixintaas ka qeybgalaya ugu yaraan lix milyan oo reer London ah.

Ugu yaraan 20 musharrax ayaa u tartamaya Duqa magaalada London, waxaana la filayaa in ku dhawaaqista natiijada doorashadan ay dib ugu dhacdo ilaa maalinta Axadda ah.

Dorashada waxaa ugu cad-cad Sadiq Khan oo shantii sano ee la soo dhaafay ahaa Duqa London, isla markaana raadinaya in dib loo doorto iyo Shaun Bailey oo ka tirsan Xisbiga Tory ee Ra’isul Wasaare Boriso Johanson, waxaana saadaasha horudhaca ah ay sheegeysaa inay dhici karto in wareeg labaad la isla aado, maadaama la filayo in tirada codadka ee labada xisbi isku dhawaan doonto.

READ  Amiirka Qatar oo Warqad u soo diray Farmaajo - Wararka Maanta: Somali News Online

Sadiq Khan ayaa la doortan sanadkii 2016, isagoo helay 57% tirada guud codadka wareegga labaad, wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Duqa magaaladda London.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Itoobiya oo sheegtay in ay fashilisay Af-gambi ka dhan ahaa Xukuumadda Abiy…

Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Fashilisay Af-Gambi Ka Dhan Ahaa Xukuumadda Abiy... - Wararka Maanta

Saraakiisha Siroonka dowladda Itoobiya ayaa Bayaan ay soo saareen ku tsheegeen in koox isku xiran oo doonaysay in ay dowlad kumeel-gaar ah ku dhawaaqaan ay ka hor tageen.

Sirdoonka waxay sheegeen kooxdan ay kala joogaan Gobolka Amxaarada, Addis Ababa, Yurub ilaa Ameerika; isla markaasna ay ka kooban yihiin Siyaasiyiin, Saraakiil ciidan iyo suxufiyiin.

Waxay intaas ku dareen in kooxdu ay diyaar sadeen Dastuur, warbaahin iyo saraakiil howlgalka fulisa,hayeeshee ay fashiliyeen qorshahoodii ay damacsanaayeen.

READ  Rooble oo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Wararka Maanta!

Continue Reading

Qaybaha

Warka Isbuuca