Connect with us

Wararka Somali

Sawirro: Ciidamada DF oo weeraray mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho – Caasimada…

Sawirro: Ciidamada Df Oo Weeraray Mid Ka Mid Ah Idaacadaha Muqdisho - Caasimada... - Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore weerar ku qaaday dhismaha ay dagan tahay Idaacadda Mustaqbal oo ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee haatan ka howl-gasha gudaha magaalada Muqdisho.

Maamulka Idaacadda oo war qoraal ah soo saaray, kadib weerarkaasi ayaa sheegay in ciidamadu ay jir-dil xoogan u geysteen qaar ka mid ah shaqaalaha Raadiyaha, sidoo kalena ay qaateen dhammaan qalabkii war-qabadka iyo sidoo kale kan maamulka Idaacadda.

READ  Xukuumadda oo La Wareegaysa Libaaxyada Waran-Cadde

“Ciidanka dowladda ee galay xarunteenu waxa ay geysteen Jirdil shaqaalaha qaarkood, Waxa ay qaateen Dhammaan qalabkii Warqabadka, Maamulka iyo Telefeahinka. Aad ayaan uga xunahay in ciidanku noola dhaqmay sida dad cadow ah oo si gaar ah loo beegsanayo,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska maamulka Radio Mustaqbal.

Sidoo kale maamulka ayaa codsaday dowladda Soomaaliya inay dib ugu soo celiso qalabka laga burburiyey, sidoo kalena laga dul-qaado ciidamo la dhigay afaafka hore ee xarunta

READ  Xog: Maxaa baajiyey shirkii golaha wasiirada Soomaaliya ee Khamiistii? - Caasimada...

“Waxa aan ka codsaneynaa dowladda in ay dib u soo celiso qalabka islamarkaana aanay u dhaqmin hab beegsi ah oo na dareensiinaya in magaca, hubka iyo awoodda dowladdu nalugu dulminayo.Waxaan sidoo kale dalbaneynaa in nalaga qaado ciidanka iyo hubka yaal Albaabka xarunteena,” ayaa markale lagu yiro qoraalka cabasha ee Radio Mustaqbal.

Ma cadda illaa iyo sababta rasmiga ah ee loo beegsaday Idaacadda Mustaqbal, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Soomaaliya.

READ  Hal qof oo ku geeriyooday balli ku yaala duleedka magaalada Hargaysa

Dhacdadan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan gudaha magaalada Muqdisho ay ka taagan taha xiisad dagaal oo u dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo mucaaradka, taas oo ay tabaneysay Mustaqbal, si la mid ah Idaacadaha kale ee ku yaalla caasimada.

Sawirro: Ciidamada Df Oo Weeraray Mid Ka Mid Ah Idaacadaha Muqdisho - Caasimada... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidamada Df Oo Weeraray Mid Ka Mid Ah Idaacadaha Muqdisho - Caasimada... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidamada Df Oo Weeraray Mid Ka Mid Ah Idaacadaha Muqdisho - Caasimada... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidamada Df Oo Weeraray Mid Ka Mid Ah Idaacadaha Muqdisho - Caasimada... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidamada Df Oo Weeraray Mid Ka Mid Ah Idaacadaha Muqdisho - Caasimada... - Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil ayaa Ku dhintay Balli ku yaalla Duleedka Koonfureed…

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil Ayaa Ku Dhintay Balli Ku Yaalla Duleedka Koonfureed... - Wararka Maanta

Hargeysa (Wararka Maanta) –  alle Haw Naxariistee Wiil 23 Jir ah oo lagu magacaabo Cali Carab Aadan ayaa ku Dhintay Balli ku yaalla magaalada Hargeysa duleedka koonfureed ee Masalaha caasimada Hargeysa gaar ahaan balliga lagu magacaabo balliga Xariir.

Ehelada marxuumkaas ayaa ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa 9:09 am ku soo wargeliyay balse waxay ciidanka u soo sheegeen wakhti dambe waxaanay soo dalbadeen in Maydka laga soo saaro Balliga, kadibna Ciidanku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan isla markaana ku dhib muteen soo saaristiisa.

READ  Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Ethiopia...

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil Ayaa Ku Dhintay Balli Ku Yaalla Duleedka Koonfureed... - Wararka Maanta

Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Hargeysa Balliga ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista.

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastaba shacbiweynaha Somaliland, fariintaas oo ah In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil Ayaa Ku Dhintay Balli Ku Yaalla Duleedka Koonfureed... - Wararka Maanta

Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.

READ  Maraykanka Oo Soo Dhaweeyay Tallaabadii madaxweynaha iyo Golaha Shacabka...

 

Wararka Maanta.com/Hargeisa Office.

 

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Amiirka Qatar oo war kasoo saaray heshiiska uu dhex dhigay Soomaaliya iyo Kenya -…

Amiirka Qatar Oo War Kasoo Saaray Heshiiska Uu Dhex Dhigay Soomaaliya Iyo Kenya -... - Wararka Maanta

Doxa (Wararka Maanta) – Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo go’naa ku dhawaad lixdii bilood ee u dambeysay.

Amiirka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta oo go’aansaday inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii Diplomasi, waana tallaabo wanaagsan oo geesinimo leh, waxaan u rajeenayaa labada dal ee dariska ah, inay amniga iyo xasiloonidoodu waarto, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka.

READ  Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo Xubno Wasiiro Ah oo Caawa Socdaal Ku Tagay...

Ergeygii ay dowladda Qatar u soo dirtay Soomaaliya, Dr. Mutlaq al-Qahtani, ayaa kulamadii uu la qaatay madaxda Soomaalida kadib, waxa uu maalin ka hor tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Bogga twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa maanta lasoo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka Qatar uu booqday Kenya, uuna la kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo horay uu ugu guul-dareystay urur goboleedka ay ka wada tirsanyihiin ee IGAD, ayaa hadda sida muuqata waxaa ku guuleysatay dowladda Qatar.

READ  Xog: Maxaa baajiyey shirkii golaha wasiirada Soomaaliya ee Khamiistii? - Caasimada...

15-kii bishii December ee sanadkii hore ee 2020 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay si caro leh u joojisay cilaaqaadkii kala dhaxeysay Kenya, waxaana dhammaan diblomaasiyiintii reer Kenya lagu amray inay Soomaaliya uga baxaan todoba cisho, halka diblomaasiyiintii Soomaaliya ka joogay Nairobi xilligaas lagu war-geliyey in deg deg ugu soo noqdaan dalka.

Labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Kenya wixii intaas ka dambeeyey ma yeelan kulamo fool ka fool ah, markii laga reebo shirkii ay Soomaaliya codsatay ee ka dhacay Jabuuti, kaas oo IGAD ay ku guuleysa weyday inay ku xaliso khilaafkaas.

READ  R/W Rooble oo ku wajahan dalka Sacuudiga + Ujeedka - Caasimada Online



Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka oo laga saaray goobihii ay qabsadeen ee…

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamada Badbaado Qaran ayaa billaabay inay ka baxaan qeybo ka mid ah degmooyinka Holwadaag, Hodan, Cabdicasiis iyo Kaaraan, oo ay ku sugnaayeen laba toddobaad kadib markii ay usoo galaan inay ka hortagaan muddo kororsigii sharci-darrada ahee ee baarlamanka uu sameeyey.

Ra’iisiul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa korneeray furista qaar ka mid ah jidadkii u xirnaa ciidankan, taasi oo qeyb ka ah hirgelinta heshiiskii xalka looga gaaray qalalaasihii ka dhacay caasimadda.

Rooble ayaa sheegay in galabta uu si rasmi ah u bilowday qorshaha Ciidamada looga saarayo xaafadaha, dhufeysyadii yaallayna looga qaadayo, gaar ahaan aagaga Mirinaayo, Siigaale illaa Xaafada Barmuuda. Waxa uu intaas ku daray in amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidanka booliska,

Qaadistan ciidankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah xildhibaanada Madasha Badbaado Qaran.

READ  Dalalka la isku yiraahdo G7 oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “Waxaan galabta si wadajir ah uga qaadnay isgoosyada Dabka iyo Mirinaayo difaacyadii Ciidamada Badbaado Qaran waxaanan amniga goobahaas ku wareejinay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.“

Qaadista ciidankan ayaa ku timid heshiis shalay lagu gaaray Muqdisho oo dhigayey in dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

Waxaa sidoo kale heshiiska ku jiray in xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta

READ  Xukuumada Somaliland oo sheegtay in ay la wareegayso libaaxyada Cali Waran Cadde

Wararka Maanta!

Continue Reading

Qaybaha

Warka Isbuuca