Connect with us

Wararka Somali

Xog: Hadalladii kululaa ee la isku weydaarsaday kulankii xalay ee ergeyga Qatar…

Xog: Hadalladii Kululaa Ee La Isku Weydaarsaday Kulankii Xalay Ee Ergeyga Qatar... - Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaan xog ka helnay waxyaabihii looga wada-hadlay kulankii xalay Hotelka Decale ku dhex-maray midowga musharaxiinta mucaaradka ah iyo Ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Kulankaas waxaa looga hadlay arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka iyo taageerada dowladda Qatar la garab taagneed Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, waxaana kulankaas musharaxiinta uga qeyb galay Xasan Sheekh Maxamud, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Musharaxiinta ayaa u sheegay Mutlaq Al-Qahtani in taageeradii ay dowladda Qatar sida indha la’aanta ah ula garab taagneyd Farmaajo iyo Fahad afartii sano ee lasoo dhaafay lagu dhibaateeyey shacabka Soomaaliyeed, isla markaana dhaawac xoog leh loogu geystay geedi socodkii dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

READ  Waxa laga filan karo kulanka golaha shacabka ee maanta iyo wararkii ugu dambeeyey...

Intii uu socday kulankaas Musharaxiintii waxay kaloo ku eedeeyeen Qatar iyo Turkiga in hubkii iyo gaadiidkii ay ugu deeqeen ciidanka Soomaaliya uu Farmaajo u adeegsaday caburinta shacabka, iyadoo lagu weeraray Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo dadweyne banaanbax banadeed dhigayey.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kulankii xalay ka sheegay in weerarkii gurigiisa lagu qaaday 17-kii December uu si gaar ah ugu tuhmaayo inay Qatar ku lug laheyd, sida ay nagu soo gaartay xogtu.

Musharaxiintu waxay Mutlaq Al-Qahtani u sheegeen in dhaqaalihii dowladda Qatar ay ku taageertay Farmaajo iyo Fahad loo adeegsaday burburinta dawlad goboleedyadii ka dhisnaa dalka, laaluushka baarlamaanka iyo iibsashada saraakiisha sarsare ee ciidanka iyo qandaraas shirkado loobiga Maraykanka lagu siiyey in ay hagaajiyaan xiriirka Farmaajo maamulkii hore ee madaxweyne Trump.

READ  Ergeyga ay Qater usoo dirtay Soomaaliya oo dalka yimid, iyo muhiimadda halka uu ka...

Waxaa loo soo jeediyey in ay shacabka Soomaaliyeed uga cudurdaartaan gaboodfalladii dhacay, isla markaana qaataan tallaabo muuqata oo muujinaysa inay ka xunyihiin taageeradii Farmaajo.

Ergeyga ka socda dowlada Qatar Mutlaq Al-Qahtani ayaa ka dalbaday sida uu xalku ula muuqdo Midowga Musharaxiinta oo loo soo celin karo kalsoonida siyaasiyiinta dhexdooda, waxay Midowga Musharaxiinta si cad ugu sheegeen ergeyga in xalka iyo kalsoonidu ay ku soo laaban karto oo kaliya in Farmaajo kursiga baneeyo, isagana soo baxo Vilada ama uu wareejiyo amniga guud ee dalka, farahana kala baxo arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxay kaloo musharaxiintu la wadaageen Ergeyga in dowladiisu kala shaqeyso Ra’iisul Wasaare Rooble sidii uu u qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo sida ugu dhaqsiyaha badan dalka uga dhacda.

READ  Boqalaal qoys oo ku barakacay fatahaada webiga Shabeelle uu ku sameeyay gobolka...

Ergeyga ayaa isagoo is difaacaya dhiniciisa sheegay in dowladiisa Qatar aysan shakhsiyaad taageerin, balse ay taageereen dowladda Soomaaliyeed, waxa uu sheegay inay Farmaajo gaarsiiyeen fariin adag oo ay ka soo wada shaqeeyeen dowladda Maraykanka.

Waxuu kaloo sheegay in uu danaynayo xal u helidda khilaafka Kenya iyo Soomaaliya iyo inuu la kulmi doono Madaxweynaha Kenya si uu u guddoonsiiyo fariin gaar ah uu ka sido Amiirka dalkiisa.

Dawladda Qatar ayaa haatan u muuqata in ay ka guurtay taageeradii Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isla markaana ay baadi-goob ugu jirto xulufaysi siyaasadeed oo hor leh.

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil ayaa Ku dhintay Balli ku yaalla Duleedka Koonfureed…

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil Ayaa Ku Dhintay Balli Ku Yaalla Duleedka Koonfureed... - Wararka Maanta

Hargeysa (Wararka Maanta) –  alle Haw Naxariistee Wiil 23 Jir ah oo lagu magacaabo Cali Carab Aadan ayaa ku Dhintay Balli ku yaalla magaalada Hargeysa duleedka koonfureed ee Masalaha caasimada Hargeysa gaar ahaan balliga lagu magacaabo balliga Xariir.

Ehelada marxuumkaas ayaa ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa 9:09 am ku soo wargeliyay balse waxay ciidanka u soo sheegeen wakhti dambe waxaanay soo dalbadeen in Maydka laga soo saaro Balliga, kadibna Ciidanku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan isla markaana ku dhib muteen soo saaristiisa.

READ  Hargaysa: Waalidiinta arday loo haysto burburkii dugsiga Nuradiin oo ka dayriyay...

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil Ayaa Ku Dhintay Balli Ku Yaalla Duleedka Koonfureed... - Wararka Maanta

Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Hargeysa Balliga ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista.

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastaba shacbiweynaha Somaliland, fariintaas oo ah In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil Ayaa Ku Dhintay Balli Ku Yaalla Duleedka Koonfureed... - Wararka Maanta

Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.

READ  Magacyada saraakiisha loo doortay inay hoggaamiyaan ciidamada Badbaado Qaran -...

 

Wararka Maanta.com/Hargeisa Office.

 

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Amiirka Qatar oo war kasoo saaray heshiiska uu dhex dhigay Soomaaliya iyo Kenya -…

Amiirka Qatar Oo War Kasoo Saaray Heshiiska Uu Dhex Dhigay Soomaaliya Iyo Kenya -... - Wararka Maanta

Doxa (Wararka Maanta) – Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo go’naa ku dhawaad lixdii bilood ee u dambeysay.

Amiirka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta oo go’aansaday inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii Diplomasi, waana tallaabo wanaagsan oo geesinimo leh, waxaan u rajeenayaa labada dal ee dariska ah, inay amniga iyo xasiloonidoodu waarto, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka.

READ  Maxay ka wada hadleen Mahdi Guuleed iyo ergeyga Qatar? - Caasimada Online

Ergeygii ay dowladda Qatar u soo dirtay Soomaaliya, Dr. Mutlaq al-Qahtani, ayaa kulamadii uu la qaatay madaxda Soomaalida kadib, waxa uu maalin ka hor tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Bogga twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa maanta lasoo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka Qatar uu booqday Kenya, uuna la kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo horay uu ugu guul-dareystay urur goboleedka ay ka wada tirsanyihiin ee IGAD, ayaa hadda sida muuqata waxaa ku guuleysatay dowladda Qatar.

READ  Askari ka tirsan Haramcad oo bixiyey xog yaab leh oo ku saabsan aragtida ciidanka...

15-kii bishii December ee sanadkii hore ee 2020 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay si caro leh u joojisay cilaaqaadkii kala dhaxeysay Kenya, waxaana dhammaan diblomaasiyiintii reer Kenya lagu amray inay Soomaaliya uga baxaan todoba cisho, halka diblomaasiyiintii Soomaaliya ka joogay Nairobi xilligaas lagu war-geliyey in deg deg ugu soo noqdaan dalka.

Labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Kenya wixii intaas ka dambeeyey ma yeelan kulamo fool ka fool ah, markii laga reebo shirkii ay Soomaaliya codsatay ee ka dhacay Jabuuti, kaas oo IGAD ay ku guuleysa weyday inay ku xaliso khilaafkaas.

READ  Hargaysa: Waalidiinta arday loo haysto burburkii dugsiga Nuradiin oo ka dayriyay...



Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka oo laga saaray goobihii ay qabsadeen ee…

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamada Badbaado Qaran ayaa billaabay inay ka baxaan qeybo ka mid ah degmooyinka Holwadaag, Hodan, Cabdicasiis iyo Kaaraan, oo ay ku sugnaayeen laba toddobaad kadib markii ay usoo galaan inay ka hortagaan muddo kororsigii sharci-darrada ahee ee baarlamanka uu sameeyey.

Ra’iisiul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa korneeray furista qaar ka mid ah jidadkii u xirnaa ciidankan, taasi oo qeyb ka ah hirgelinta heshiiskii xalka looga gaaray qalalaasihii ka dhacay caasimadda.

Rooble ayaa sheegay in galabta uu si rasmi ah u bilowday qorshaha Ciidamada looga saarayo xaafadaha, dhufeysyadii yaallayna looga qaadayo, gaar ahaan aagaga Mirinaayo, Siigaale illaa Xaafada Barmuuda. Waxa uu intaas ku daray in amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidanka booliska,

Qaadistan ciidankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah xildhibaanada Madasha Badbaado Qaran.

READ  Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka oo laga saaray goobihii ay qabsadeen ee...

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “Waxaan galabta si wadajir ah uga qaadnay isgoosyada Dabka iyo Mirinaayo difaacyadii Ciidamada Badbaado Qaran waxaanan amniga goobahaas ku wareejinay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.“

Qaadista ciidankan ayaa ku timid heshiis shalay lagu gaaray Muqdisho oo dhigayey in dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

Waxaa sidoo kale heshiiska ku jiray in xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta

READ  Ergeyga ay Qater usoo dirtay Soomaaliya oo dalka yimid, iyo muhiimadda halka uu ka...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Qaybaha

Warka Isbuuca