Connect with us

Wararka Somali

Xog: Saraakiisha ciidamadii diiday muddo kororsiga oo go’aano cusub soo saaray -…

Xog: Saraakiisha Ciidamadii Diiday Muddo Kororsiga Oo Go'Aano Cusub Soo Saaray -... - Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Badbaado Qaran ee ka dhashay muddo kororsigii dowladda ayaa shalay ku shiray magaalada Muqdisho waxayna soo saareen dhowr qodob oo muhiim, sida aan xogta ku helnay

Saraakiisha oo ay ka mid yihiin Indha-Cadde, Saney Cabdulle, Saadaq John, Cabdimaalik Ismaaciil iyo Cusmaan Xaadoole ayaa isku raacay in la dhowro amniga magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay kaga sugan yihiin lana xaqiijiyo inaysan ka dhicin xabad, iyo wax kasta oo shacabka dhibaato u gaysan kara.

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Wararka Maanta, saraakiisha ayaa sidoo kale isku raacay inaysan ka bixin goobaha ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho illaa ra’iisul wasaare Rooble uu ka qaado tallaabo muujineysa in lagu kalsoonaan karo, waxayna ka dalbadeen inuu beddelo taliyayaasha ciidamada dowladda ee ku lugta lahaa dagaalkii lagu soo qaaday musharaxiinta madaxweyne 25-kii April. 

Saraakiisha ayaa sheegay in caqliga saliimka ah uu diidayo in ciidamada militariga ee sharciga ilaalinaya dib loo hoos geeyo taliyayaal ay dagaalameen oo ay cadaawad kala dhaxeyso, kuwaas oo dib u beegsan kara.

READ  Qorshaha DF Soomaaliya ee marka ciidamada Badbaado Qaran laga saaro Muqdisho -...

Waxay sheegeen in kahor inta aanay ciidanka ka saarin caasimadda ay muhiim tahay in la hubiyo in ra’iisul wasaare Rooble uu daacad ka yahay dadaallada uu wado iyo inuu yahay nin fulinaya aragti uu Farmaajo usoo dhiibay oo gadaal laga maamulayo, taasi oo looga aargudanayo ciidankii ka hor-yimid muddo kororsiga.

“Waxaa tan lagu ogaan karaa in Rooble uu beddelo taliyayaasha ku lugta lahaa dagaalka iyo in kale,” ayaa laga soo xigtay xubno ka tirsan saraakiisha oo shirka ku qeyb galay.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaan weli qaadin wax tallaabo ah oo muujinaya inuu yahay mas’uul ka madax banaan Farmaajo, oo dhex-dhexaad ka ah arrimaha la isku hayo, wuxuuna ka aamusan yahay aargudasho durba lagu billaabay ciidamadii ka horyimid muddo kororsiga

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Wararka Maanta u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay amartay in laga joojiyo mushaarka ay qaataan ciidamadii iyo saraakiishii ka midka noqday ciidamada diidan muddo kororsiga, islamarkaana ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho. 

Xogta aan helnay ayaa tilaameysa in amar ka soo baxay Madaxweynaha lagu joojiyay lacagaha ay qaataan ciidanka iyo saraakiisha diidan muddo kororsiga, waxaana sababta lagu sheegay in ay ku biireen mucaaradka. Waxaa sidoo kale la amray in saraakiishan iyo ciidanka laga saaro ciidamada, lana ruqseeyo.

READ  Heshiis 10 qodob ah oo Muqdisho lagu gaaray iyo ciidamada oo laga saarayo...

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil ayaa Ku dhintay Balli ku yaalla Duleedka Koonfureed…

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil Ayaa Ku Dhintay Balli Ku Yaalla Duleedka Koonfureed... - Wararka Maanta

Hargeysa (Wararka Maanta) –  alle Haw Naxariistee Wiil 23 Jir ah oo lagu magacaabo Cali Carab Aadan ayaa ku Dhintay Balli ku yaalla magaalada Hargeysa duleedka koonfureed ee Masalaha caasimada Hargeysa gaar ahaan balliga lagu magacaabo balliga Xariir.

Ehelada marxuumkaas ayaa ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa 9:09 am ku soo wargeliyay balse waxay ciidanka u soo sheegeen wakhti dambe waxaanay soo dalbadeen in Maydka laga soo saaro Balliga, kadibna Ciidanku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan isla markaana ku dhib muteen soo saaristiisa.

READ  Taabid Cabdi oo farriin culus u diray ra'iisul wasaare ROOBLE - Caasimada Online

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil Ayaa Ku Dhintay Balli Ku Yaalla Duleedka Koonfureed... - Wararka Maanta

Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Hargeysa Balliga ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista.

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastaba shacbiweynaha Somaliland, fariintaas oo ah In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil Ayaa Ku Dhintay Balli Ku Yaalla Duleedka Koonfureed... - Wararka Maanta

Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.

READ  Madaxweyne Deni oo la kulmay wafdi ka socda QM + Sawirro - Caasimada Online

 

Wararka Maanta.com/Hargeisa Office.

 

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Amiirka Qatar oo war kasoo saaray heshiiska uu dhex dhigay Soomaaliya iyo Kenya -…

Amiirka Qatar Oo War Kasoo Saaray Heshiiska Uu Dhex Dhigay Soomaaliya Iyo Kenya -... - Wararka Maanta

Doxa (Wararka Maanta) – Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo go’naa ku dhawaad lixdii bilood ee u dambeysay.

Amiirka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta oo go’aansaday inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii Diplomasi, waana tallaabo wanaagsan oo geesinimo leh, waxaan u rajeenayaa labada dal ee dariska ah, inay amniga iyo xasiloonidoodu waarto, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka.

READ  Masuuliyiinta xisbiga Waddani oo qaabilay safiirka Ingriisku usoo magacabay...

Ergeygii ay dowladda Qatar u soo dirtay Soomaaliya, Dr. Mutlaq al-Qahtani, ayaa kulamadii uu la qaatay madaxda Soomaalida kadib, waxa uu maalin ka hor tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Bogga twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa maanta lasoo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka Qatar uu booqday Kenya, uuna la kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo horay uu ugu guul-dareystay urur goboleedka ay ka wada tirsanyihiin ee IGAD, ayaa hadda sida muuqata waxaa ku guuleysatay dowladda Qatar.

READ  Madaxweyne Deni oo la kulmay wafdi ka socda QM + Sawirro - Caasimada Online

15-kii bishii December ee sanadkii hore ee 2020 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay si caro leh u joojisay cilaaqaadkii kala dhaxeysay Kenya, waxaana dhammaan diblomaasiyiintii reer Kenya lagu amray inay Soomaaliya uga baxaan todoba cisho, halka diblomaasiyiintii Soomaaliya ka joogay Nairobi xilligaas lagu war-geliyey in deg deg ugu soo noqdaan dalka.

Labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Kenya wixii intaas ka dambeeyey ma yeelan kulamo fool ka fool ah, markii laga reebo shirkii ay Soomaaliya codsatay ee ka dhacay Jabuuti, kaas oo IGAD ay ku guuleysa weyday inay ku xaliso khilaafkaas.

READ  Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo Kahadlay Arimaha Kenya & Kulamadii...



Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka oo laga saaray goobihii ay qabsadeen ee…

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamada Badbaado Qaran ayaa billaabay inay ka baxaan qeybo ka mid ah degmooyinka Holwadaag, Hodan, Cabdicasiis iyo Kaaraan, oo ay ku sugnaayeen laba toddobaad kadib markii ay usoo galaan inay ka hortagaan muddo kororsigii sharci-darrada ahee ee baarlamanka uu sameeyey.

Ra’iisiul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa korneeray furista qaar ka mid ah jidadkii u xirnaa ciidankan, taasi oo qeyb ka ah hirgelinta heshiiskii xalka looga gaaray qalalaasihii ka dhacay caasimadda.

Rooble ayaa sheegay in galabta uu si rasmi ah u bilowday qorshaha Ciidamada looga saarayo xaafadaha, dhufeysyadii yaallayna looga qaadayo, gaar ahaan aagaga Mirinaayo, Siigaale illaa Xaafada Barmuuda. Waxa uu intaas ku daray in amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidanka booliska,

Qaadistan ciidankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah xildhibaanada Madasha Badbaado Qaran.

READ  Qarax khasaare geystay oo ka dhacay xadka Somalia iyo Kenya - Caasimada Online

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “Waxaan galabta si wadajir ah uga qaadnay isgoosyada Dabka iyo Mirinaayo difaacyadii Ciidamada Badbaado Qaran waxaanan amniga goobahaas ku wareejinay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.“

Qaadista ciidankan ayaa ku timid heshiis shalay lagu gaaray Muqdisho oo dhigayey in dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

Waxaa sidoo kale heshiiska ku jiray in xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaranka Oo Laga Saaray Goobihii Ay Qabsadeen Ee... - Wararka Maanta

READ  Taabid Cabdi oo farriin culus u diray ra'iisul wasaare ROOBLE - Caasimada Online

Wararka Maanta!

Continue Reading

Qaybaha

Warka Isbuuca